Baku, Azerbaijan – Agaasimaha Guud ee Adeegga HALMEEL, Mudane Maxamed Dubo Maxamed, oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa magaalada Baku kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo hay’adda African Peer Review Mechanism (APRM).
Kulankii ugu horreeyay ayaa Agaasime Maxamed Dubo la yeeshay Mudane Li Junhua, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada (UN DESA), kaas oo ay uga wada hadleen waajibaadka iyo howlaha Adeegga HALMEEL, guulaha laga gaaray mideynta adeegyada dowladda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee hay’adda.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa soo bandhigay doorka Adeegga HALMEEL ee fududeynta adeegyada dowladda, mideynta habraacyada adeeg-bixinta iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee loogu talagalay in muwaadiniintu si sahlan ku helaan adeegyada hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Adeegga HALMEEL, Mudane Maxamed Dubo Maxamed, ayaa kulan la yeeshay Danjire Marie-Antoinette Rose-Quatre, oo ah Madaxa Fulinta ee African Peer Review Mechanism (APRM), waxaana kulanka diiradda lagu saaray doorka HALMEEL ee horumarinta adeeg-bixinta dadweynaha, xoojinta maamulka dowliga ah iyo fursadaha iskaashi ee labada hay’adood.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, taageerada farsamo, horumarinta tiknoolajiyadda iyo tayeynta awoodda hay’adaha dowladda, si loo helo nidaam adeeg-bixineed oo hufan oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Adeegga HALMEEL ee lagu ballaarinayo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, si looga faa’iideysto khibradaha iyo taageerada farsamo ee wax ka tari kara casriyeynta adeegyada dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa kulamada lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay hirgelinta Yoolka 16-aad ee Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay, kaas oo xoogga saaraya dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, isla xisaabtan leh, caddaalad iyo nabadna ku dhisan.




