Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed oo gaadiid, hub iyo saanad ciidan ku wareejiyey hay’adaha amniga

0

Dhuusamareeb – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad uu Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ku wareejiyey gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo uu si gaar ah u lahaa, kuwaas oo hore loogu adeegsan jiray hawlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta, isagoo ku wareejiyey hay’adaha amniga Galmudug.

 

Munaasabadda wareejinta oo qabsoontay maalin kadib caleema-saarkii hoggaanka cusub ee Galmudug, ayuu Hoggaamiye Liibaan ku dhawaaqay in gaadiidka, hubka iyo saanadda ciidan ee uu wareejiyey ay wixii maanta ka dambeeya si rasmi ah u noqonayaan hanti dowladeed oo ay leedahay Galmudug, isla markaana ay ka mid ahaan doonaan agabka rasmiga ah ee hay’adaha amniga, xitaa marka ay dhammaato muddada xil-hayntiisu.

“Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay in awoodda iyo agabka amnigu ay gacanta ugu jiraan hay’adaha dowladda ee sharcigu awoodda u siiyey, halkii ay ahaan lahaayeen hanti gaar ah oo ay leeyihiin shakhsiyaad, ganacsato ama siyaasiyiin,” ayuu yiri Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada hay’adaha amniga dowlad-goboleedka, si loo dardargeliyo hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, loona helo ciidan haysta agab iyo saanad ku filan oo uu ku gudan karo waajibaadkiisa amni.

Waxa uu sidoo kale xusay in mudnaanta hoggaamintiisu ay tahay sidii amniga Galmudug loo gaarsiin lahaa heer lagu kalsoonaan karo, kaas oo suurtagelinaya kobaca maalgashiga, ganacsiga iyo dalxiiska, isla markaana u saamaxaya hay’adaha caalamiga ah inay si nabadgelyo leh uga howlgalaan deegaannada maamulka.

Go’aanka Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa sidoo kale xambaarsan farriin ku socota madaxda, siyaasiyiinta iyo cid kasta oo haysata hub iyo agab ciidan oo gaar loo leeyahay, gaar ahaan dadka ku sugan deegaannada Galmudug, taas oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in agabka amniga lagu wareejiyo hay’adaha dowladda.

Wareejintan ayaa qayb ka ah aragtida hoggaanka cusub ee Galmudug ee ku aaddan dhismaha hay’ado amni oo leh awood, qalab iyo saanad dowladeed oo joogto ah, kuwaas oo aan ku xirnaan doonin isbeddellada hoggaanka siyaasadeed, si loo xaqiijiyo nabad waarta, dowladnimo sugan iyo horumar loo dhan yahay.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here