Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan oo safaaradda ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Adeegga HALMEEL

0

Baku, Azerbaijan – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Adeegga HALMEEL, Mudane Maxamed Dubo Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Azerbaijan.

 

Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa Agaasimaha Guud warbixin ka siiyay howlaha ay Safaaraddu u hayso qaranka, shaqada diblomaasiyadeed ee ay waddo iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la is dhaafsaday warbixinno la xiriira doorka Safaaradda ee horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan xiriirka hay’adaha dowladda.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Adeegga HALMEEL, Maxamed Dubo Maxamed, ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee xarunta Safaaradda, isaga oo bogaadiyay shaqada ay Safaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku horumarinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Booqashadan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee Agaasimaha Guud ku joogo Azerbaijan, kaas oo la xiriira kulamo uu magaalada Baku kula yeelanayo mas’uuliyiin iyo hay’ado kala duwan oo caalami ah, si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka hay’adaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here