Axmed Madoobe oo sheegay Dowladnimada Soomaaliyeed in aysan burburin iyo xal in ay u yimaadeen
MUQDISHO - Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo xusay in ujeeddada ay tahay ilaalinta dowladnimada iyo raadinta xal waara.
DAAWO
Rooble oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
MUQDISHO - Ra’iisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo fariin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DAAWO
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Muqdisho - Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Dhuxulow, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha socdaalka, dhismaha awoodda shaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada socdaalka ee labada dal. Labada masuul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay kor u...
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya
Algeris - Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Shacbiga Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, adkeynta iskaashiga laba geesoodka ah, iyo horumarinta wada shaqeynta dhinacyada garsoorka,...
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa habraaca xiriirka dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah
Muqdisho - Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa habraaca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo u qaabilsan xiriirka iyo warbaahinta hay’adaha dowladda. Intii uu socday, waxaa...
Madaxweyne Xasan sheekh oo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey guusha Kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika
Muqdisho - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, taas oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo...
Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Doorasho Taariikhi ah oo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (2026–2028)
Addis Ababa - Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, taasoo ah guul taariikhi ah oo muujinaysa horumarka diblomaasiyadeed ee dalka iyo dib u soo laabashadiisa kaalintii uu ku lahaa arrimaha qaaradda iyo caalamkaba.
Doorashadan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah Midowga...
Baarlamaanka Federaalka oo Dhammeystiray Doodda Cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah
Muqdisho, Soomaaliya — Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad, kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim.
Kulanka waxaa sidoo kale ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika
Addis Ababa — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Abdisalam Ali), ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika (AU), kaas oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Kal-fadhigan ayaa isu keenaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika,...
Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo booqday markab dagaal oo Turkiga ka yimid
MUQDISHO - Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga, kana soo gaaray magaalada Muqdisho.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-dhiska, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka...













