Ciidamada Xoogga oo la wareegay deegaan hoostaga gobolka Baay
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howl-gal qorsheysan kula wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabeeley oo hoostaga gobolkaasi.
Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, sida uu sheegay taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas Al-Shabaab looga dilay ilaa 9 dagaallame, isl-amarkaana laga burburiyay saldhig...
Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada?
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto,...
Taalibaan oo ballan-qaad sameysay, kadib la wareegitaankii Afgaanistaan
Hoggaamiye ku -xigeenka ururka Taalibaan ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii wax loo qaban lahaa dadka Afgaanistaan oo noloshooda la hagaajin lahaa.
Hadalladaas ayaa lagu sheegay cajalad fiidiyoow cusub oo ay soo bandhigeen ururka Taalibaan, maalin kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul kuna dhawaaqeen guul.
"Hadda waa waqtigii la maxkamadeyn lahaa, waxaan u adeegi doonnaa ummaddeena, waxaan siin doonnaa xasilloonida...
Somalia to mark 14 August as National Anti-Corruption Day
The Independent Anti-Corruption Commission of the Federal Republic of Somalia (IACC) has on Saturday officially joined the international and regional anti-corruption laws, marking 14 August as Somalia’s National Anti-Corruption Day.
IACC Chairman, Avv. Mohamed Hussein Hamud stated that corruption remains as the biggest obstacle to the development of Somalia's governance system and state-building and called for a united front to...
Kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare oo lagu doortay magaalada Baydhabo
Magaalada Baydhaba waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada seddax ka mid ah kuraasta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Kursiga 1-aad waxaa ku tartamay wasiirka gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi, waxaana ku guuleystay Wasiirka.
Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku soo baxay 74 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 14-cod. Waxaa xumaaday saddex...
Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda kacsan ee magaalada Kabul
Xaalada Magaalada Kabul ee Caasimada dalka Afghanistaan ayaa kacsan iyadoo shacabka magaladaas qaybo kamid ah ay ka barakacayaan.
Shir deg deg oo ka qabsoomay madaxtooyada Kabul ayaa waxaa lagu gaaray go’aan ah in madaxwayne Ashraf Gani uu xilka si nabad galyo ah ku wareejiyo.
Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Xilka ku wareejin doono Ali Ahmed Celali oo kamid ah saraakiishii ugu...
Wafdi ka socda gudiga doorashooyinka dalka oo gaaray magaalada Baydhabo
Wafdi ka socda guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo uu hogaaminayo gudoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Baydhabo ee caasimada ku-meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare BFS.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gabo-gabaynaya doorashada kuraasta Aqalka Sare xubnihii ugu dambeeyey.
function...
Doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare oo ka dhaceysa Baydhabo
Qaban-qaabadii ugu dambeysay doorashada saddex kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaaa illaa lix musharrax, waxayna kala yihiin:-
1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow...
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Boosaaso
Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Boosaaso ee caasimadda Ganacsiga Gobalka Bari , howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada.
Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Hoteelada iyo guryaha sidoo kale dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka...
Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladaha Covid-19 ee Soomaaliya
asaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 25 ruux.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (48) Puntland (17), iyo...












