Laascaanood – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ee maamulka Waqooyi Bari ayaa digniin u jeediyay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland, iyagoo ka horyimid hadal ka soo baxay saraakiisha booliska gobolkaas oo ay sheegeen inuusan waafaqsanayn habraacyada wada-shaqaynta laamaha amniga.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa lagu sheegay in talisku uu aad uga xun yahay hadalkii ka soo yeeray Booliska Gobolka Nugaal, kaas oo ay sheegeen inuusan ka tarjumayn nidaamka amniga bulshada iyo habraacyada wada-shaqaynta laamaha amniga.
Taliska Booliska Sool ayaa uga digay laamaha amniga Gobolka Nugaal inay siyaasadeeyaan wada-shaqaynta iyo habraacyada amniga, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo saldhig u ah wada-shaqaynta ciidamada booliska ee caalamka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in saraakiishii xalay warbaahinta la hadlay ay ka tirsan yihiin Booliska Gobolka Nugaal, iyadoo Taliska Sool uu ku adkeeyay in aan siyaasadda lagu dhex darin hawlaha booliska iyo habraacyada lagu kala wareejiyo eedaysanayaasha u kala gudba labada maamul ee Waqooyi Bari iyo Puntland.
Ugu dambeyn, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa u mahadceliyay ciidamada iyo bulshada iska kaashaday soo qabashada eedaysanaha, isagoo bogaadiyay dadaallada la sameeyay si eedaysanaha loo horgeeyo hay’adaha caddaaladda ee deegaanka uu dilka ka geystay.




