Bangkok, Thailand – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Bangkok ka wada kulamo ay la leeyihiin madax sare oo ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo uu socdo shirka sannadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).
Wasiirka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, Dr. Ndiame Diop, iyo Dr. Zarau Kibwe, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Bangiga Adduunka u matala dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Bangiga Adduunka ku leeyahay taageerada iyo horumarinta Soomaaliya, xilli ay jiraan isbeddello iyo fursado cusub oo caalami ah.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya ee IMF, Jihad Azour, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, la qabsiga saameynta isbeddellada caalamiga ah iyo xoojinta fursadaha maalgelinta horumarineed ee waarta.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu socdo shirka sannadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka la filayaa inay ka qaybgalaan kulamo kale oo heer sare ah, iyadoo Wasiirka Maaliyaddu uu kulamada guud ka jeedin doono khudbado la xiriira xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya iyo tan gobolka.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, si loo horumariyo iskaashiga dhaqaale loona helo fursado taageeri kara horumarka dalka.





