MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Abdelrahman Khalil Effendi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.
Labada masuul ayaa kulanka ku adkeeyay taageerada ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyagoo sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dowladood, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Suudaan ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka iyo caalamka, iyo horumarrada saameynta ku leh danaha labada dal.




