Muqdisho – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka jeediyay warbixin ku saabsan muhiimadda dib-u-hawlgelinta nidaamka caalamiga ah ee IATA Billing and Settlement Plan (BSP), kaas oo fududeynaya habraacyada lacag-bixinta iyo xisaab-celinta tigidhada diyaaradaha.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Maareeyaha Guud ayaa sheegay in dib-u-hawlgelinta nidaamkan ay tallaabo muhiim ah u tahay horumarinta suuqa safarka iyo adeegyada duulista Soomaaliya, isla markaana ay xoojinayso xiriirka ganacsi ee shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale xusay doorka ay dib-u-hawlgelinta nidaamkan ka qaateen Midowga Wakaaladaha Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed, Midowga Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in iskaashigoodu uu qayb weyn ka qaatay dib-u-soo-celinta nidaamka.
Maareeyaha Guud ayaa intaa ku daray in nidaamka IATA BSP uu wakaaladaha safarka Soomaaliyeed u furayo fursado cusub oo ay kaga qaybqaataan suuqa caalamiga ah, isla markaana uu gacan ka geysan karo kobcinta dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo.
Dib-u-hawlgelinta nidaamkan ayaa sidoo kale la filayaa inay yarayso ku-tiirsanaanta wakaaladaha safarka Soomaaliyeed ee nidaamyada BSP ee dalalka kale, iyadoo kor u qaadaysa awooddooda ay si toos ah ula macaamili karaan shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dakhliga ka soo xarooda suuqa safarka Soomaaliya, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada duulista rayidka laguna xoojinayo ka-qaybgalka dalka ee suuqa duulista iyo safarka caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay dib-u-hawlgelinta nidaamka IATA BSP, iyagoo adkeeyay muhiimadda uu u leeyahay awoodda Soomaaliya ee maareynta iyo nidaaminta adeegyada tigidhada duulimaadyada, xoojinta xiriirka ay la leedahay nidaamyada safarka caalamiga ah iyo horumarinta tayada adeegyada duulista rayidka.
Golaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo xuquuqihii iyo fursadihii dhinaca safarka iyo duulista ee muddada dheer ka maqnaa.




