Faahfaahino ka soo baxaya hoobiyeyaal lagu garaacay degmada Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo saaka aroortii hore lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

Hoobiyeyaasha ayaa kusoo dhacay guryo ku yaalla xaafadda Tarabiishka, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jirto hooyo xaamilo aheyd, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen qaar kamid ah carruurteeda.

Illa hadda lama oga halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo dhawaqooda laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana howlgallo wada ciidamada Booliska Soomaaliya oo baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyay weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here