Guddiga Aqalka Sare oo bilaabay ka-doodista Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga

0

Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay akhrinta iyo ka-doodista Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, kaas oo shalay Golaha Aqalka Sare soo maray akhrintiisa koowaad.

 

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa xubnaha Guddiga, iyagoo kaashanaya la-taliyeyaasha iyo sharciyaqaannada Golaha, si qoto dheer u dulmaray qodobbada Hindise-Sharciyeedka iyo mabaadi’diisa guud.

Guddigu wuxuu diiradda saaray fahamka ujeeddooyinka Hindise-Sharciyeedka, qaab-dhismeedka Hay’adda Dakhliga iyo qodobbada muhiimka ah ee u baahan in si gaar ah loo eego, iyadoo la tixgelinayo waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga iyo danta guud ee Qaranka.May be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here