Guddiga Golaha Shacabka oo kormeeray Hay’adda SARIS

0

Muqdisho – Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaannada Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Cabdi Maxamed Xuseen.

 

Guddigu waxa uu kulan xog-wareysi ah la yeeshay madaxda SARIS, waxaana halkaas lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan howlaha baaxadda leh ee Hay’addu u hayso qaranka iyo dadaallada ay ku bixiso horumarinta iyo nidaaminta adeegyada beeraha.

Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Guddiga, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerku tahay inay si dhow ugu kuurgalaan xaaladda iyo howlaha Hay’adda, isla markaana ay kala shaqeeyaan gudashada waajibaadkeeda qaran. Sidoo kale, Guddiga ayaa bogaadiyay guulaha iyo horumarka ay gaartay Hay’adda SARIS.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee SARIS, Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, ayaa Guddiga uga warbixiyay waxyaabihii ay Hay’addu qabatay iyo howlaha mudnaanta u leh. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda, Mudane Liibaan Cabdi Xasan, iyo qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada SARIS.

Hay’adda SARIS waxay u xilsaaran tahay nidaaminta, kormeerka iyo ilaalinta adeegyada iyo agabka beeraha, gaar ahaan abuurka, bacriminta, fayadhowrka dhirta iyo sunta beeraha, si loo taageero wax-soo-saarka beeraha loona xaqiijiyo helitaanka cunto ammaan ah oo caafimaad leh.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here