Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha ayaa guddiga kala hadlay dardargelinta howlaha shaqo iyo dhammaystirka hindise-sharciyeedyada horyaalla, si loogu gudbiyo Golaha Shacabka. Waxa uu sidoo kale faray guddiga inuu mudnaan gaar ah siiyo ka shaqaynta shuruucda la xiriirta xuquuqda haweenka, qoyska iyo carruurta.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta doorka Golaha Shacabka ee sharci-dejinta iyo korjoogteynta, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay dhowrista xuquuqda iyo karaamada muwaadin kasta, si loo xaqiijiyo caddaalad loo siman yahay.




