Puntland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriirkooda

0

Garoowe — Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Itoobiya u qaabilsan Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Tagesse Lambamo Dimbore, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Qunsuliyadda Itoobiya.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka Puntland iyo Itoobiya, iyadoo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo sii adkeynta xiriirka wada-shaqayneed.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay door muhiim ah ku leedahay loollanka siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha marin-biyoodka Badda Cas, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo tartanka saameynta ay dalalka gobolka ku leeyihiin.

Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe qeyb ka ahayd murannada siyaasadeed ee saameeyay xiriirka dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan kadib markii ay soo baxeen qorshayaal la xiriira raadinta marin badeed ay Itoobiya yeelato, kuwaas oo dhaliyay khilaaf kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland ay gaareen bishii Janaayo 2024, iyadoo Muqdisho ku adkeysatay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa sare u qaadday xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, waxayna ka dhigtay marin-u-helidda badda iyo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya arrimo si weyn ugu xiran loollanka istaraatiijiyadeed ee gobolka. Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay inay raadineyso marin badeed, iyadoo ku doodeysa in arrintaasi muhiim u tahay danaha dhaqaale iyo horumarka dalkeeda.

Arrimaha gobolka ayaa sidoo kale kusoo kordhay kadib kulan ay 4-tii Oktoobar 2026 magaalada New Alamein ee dalka Masar ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here