Muqdisho – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka lixaad ee Guddiga Farsamada Socdaalka Shaqaalaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada socdaalka shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed iyo xaqiijinta in shaqaaluhu helaan fursado shaqo oo ammaan ah, sharciyeysan oo caddaalad ah, isla markaana waafaqsan halbeegyada shaqada ee caalamiga ah.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha si loo xoojiyo maamulka socdaalka shaqaalaha, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta ah, loona abuuro fursado shaqo oo waara.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, ururrada shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo bahwadaagta caalamiga ah, iyo horumarinta adeegyada macluumaadka la xiriira socdaalka shaqaalaha.
Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo in socdaalka shaqaalaha Soomaaliyeed uu noqdo mid ammaan ah, nidaamsan oo sharciyeysan, isla markaana ka qayb qaata koboca dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo oo waara. Barnaamijkan waxaa maalgelinaya Waaxda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowladda UK (FCDO), iyadoo loo marayo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO).




