Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qaybgalaya Shirka Warbaahinta Adduunka ee ka furmaya Beijing

0

BEIJING – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Beijing kaga qaybgalay munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay madaxda wafdiyada iyo martida ka qaybgalaysa Shirka Warbaahinta Adduunka (World Media Summit).

 

Intii ay munaasabaddu socotay, Wasiir Cabdifataax ayaa kulamo kooban la yeeshay Fu Hua, Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, iyo Andrey Kondrashov, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmaya berri, waxaana diiradda lagu saari doonaa horumarka tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan sirdoonka macmalka ah (AI), iyo fursadaha iyo caqabadaha ay horumarradaasi ku keeneen warbaahinta caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda warbaahinta caalamka, fursadaha cusub iyo caqabadaha horyaalla, iyo sidoo kale xaaladda warbaahinta Soomaaliya iyo dadaallada lagu horumarinayo.

Wasiirka waxaa safarka ku weheliya agaasimayaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) iyo Waaxda Istaraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here