Koonfur Galbeed oo xoojinaysa diyaar-garowga fatahaadaha la filayo

0

BAIDOA — Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xoojinaya diyaar-garowga looga hortagayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha, iyadoo roobab la filayo inay billowdaan maalmaha soo socda, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Guddiga Heer Wasiir ee u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Koonfur Galbeed ayaa kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinasir Cabdi Arush, waxaana looga hadlay xaaladda bulshada iyo baahiyaha jira, iyo sidoo kale diyaar-garowga loogu jiro sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameyn karaan daadadka iyo fatahaadaha.

Mas’uuliyiinta ayaa kulanka ku soo bandhigay xogtii ugu dambeysay ee xaaladda El Niño, iyadoo la filayo in roobabku ay billowdaan maalmaha soo socda. Waxaa si gaar ah walaac looga muujiyay saameynta fatahaadaha ay ku yeelan karaan dadka ku nool hareeraha webiyada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hay’adaha samafalka u ballanqaaday inuu fududeyn doono howlahooda, si loo xoojiyo diyaar-garowga loona hubiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay saameeyaan daadadka iyo fatahaadaha.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirrada qorsheynta, haweenka, tamarta iyo biyaha, odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo isku-duwaha gargaarka ee gobolka.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha gargaarku ay xoojinayaan iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha bani’aadannimo, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka la filayo.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar iyo adeegyada aasaasiga ah si degdeg ah loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada nugul haddii ay dhacaan fatahaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here