Soomaaliya oo dhistay guddi lix wasaaradood ah oo u diyaar-garooba Ebola

0

MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay qorshe loogu diyaar-garoobayo cudurka Ebola, waxaana la dhisay guddi ka kooban lix wasaaradood, xilli dowladda ay sidoo kale ka hadashay doorashooyinka qof iyo cod iyo horumarka ku biirista Soomaaliya ee ururrada caalamiga ah.

 

Kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Golaha Wasiirrada siisay warbixin ku saabsan xaaladda Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurka uu soo gaaro Soomaaliya. Golaha ayaa kadib ansixiyay qaraar ku saabsan diyaar-garowga cudurka, iyadoo la sameeyay guddi lix wasaaradood ah oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Jibriil Xaaji Cabdi.

Guddiga waxaa ku jira Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha. Dowladda ayaa sheegtay in guddigu diiradda saari doono tallaabooyinka looga hortagayo khatarta cudurka iyo xoojinta diyaar-garowga hay’adaha dowladda.

Dhanka doorashooyinka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in doorashooyinka ay si guul ah ku soo dhammaadeen, isagoo bogaadiyay ka qaybgalka dadweynaha.

Dowladdu waxay doorashooyinka qof iyo cod u aragtaa qayb ka mid ah dadaallada lagu hirgelinayo Dastuurka iyo qorshaha dalka loogu gudbinayo nidaam doorasho oo ay shacabka si toos ah uga qaybqaataan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sidoo kale ka warbixisay faa’iidooyinka Soomaaliya ka heshay ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC). Dowladda ayaa sheegtay in ardayda Soomaaliyeed ay ka faa’iideysteen khidmadaha waxbarasho ee gobolka, halka muwaadiniinta u safraya dalalka xubnaha ka ah EAC ay heleen fududeyn dhinaca socdaalka iyo adeegyada kale ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ganacsatada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay heleen fursado dheeraad ah, iyadoo Soomaaliya markii ugu horreysay loo sameeyay qoondo shaqaale joogto ah oo ka tirsan hay’adaha EAC.

Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Golaha u sheegtay in geeddi-socodka Soomaaliya ugu biirayo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), oo socday muddo ku dhow toban sano, uu marayo marxaladihii ugu dambeeyay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay dhammaystireyso shuruudihii looga baahnaa, oo ay ku jiraan jaangoynta tariifooyinka badeecadaha dibadda laga keeno iyo dhismaha hay’adaha maamulka ee looga baahan yahay xubinimada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda inay dardargeliyaan hawlaha mudnaanta u leh ee ku jira qorshaha Xukuumadda DanQaran, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha si loo hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban sagaal xubnood, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here