Laascaanood: Shirka dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo oo si Rasmi ah u Furmay

0

 

LAASCAANOOD — Maanta si rasmi ah ayaa looga furay magaalada Las’anod shirkii muhiimka ahaa ee loogu talagalay in lagu soo afjaro aasaaska iyo dhismaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo la filayo inuu noqdo qayb ka mid ah nidaamka Federaalka Soomaaliya.

 

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay madax iyo masuuliyiin heer qaran iyo goboleed, oo ay ku jiraan Senator Cabdullaahi Timacadde oo ah ku-xigeenka labaad ee guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Maxamed Cali Yuusuf (Xoosh), iyo hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdi Khadir Firdhiye. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirro kale iyo xildhibaanada baarlamaanka oo ka kala yimid daafaha dalka.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa odayaasha dhaqanka ee SSC-Khaatumo, ergo rasmi ah, iyo wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaraya sidii loo xaqiijin lahaa nidaam maamul iyo matalaad federal oo dhab ah oo gobolka loogu hirgeliyo.

Shirka ayaa looga gol leeyahay in lagu dejiyo qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo maamulka ee dawlad goboleedka cusub, iyadoo la xoojinayo maamul wanaagga heer deegaan iyo isla markaana la dhisayo iskaashi dhammaystiran oo dhex mara maamulka SSC-Khaatumo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadaalkaan ayaa ah mid horumar weyn u ah dhaqangelinta nidaamka federaalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid amni oo waara oo gobolka Sool iyo guud ahaan Soomaaliya faa’iido u leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here