Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray deegaanka Burka Diirimeed + Sawirro

0

CADALE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa maanta gaaray deegaanka Burka Diirimeed oo ay taallo gogosha dib u heshiisiinta laba beelood oo ku dagaalamay gobolkaasi.

 

Cali Guudlaawe waxaa halkaas  kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Masuuliyiin kale.

Deegaanka Diirimeed waxaa berri ka furmaya Shirka Dib u Heshiisiinta ee u dhaxeeya Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here