Weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

 

Weerarkan oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Nabad-Sugida oo joogay halkaasi.

Ciidamada ayaa xilliga la weeraray goobta ka waday howlo baaris ah oo lagu hubinayay gaadiidka soo aadaya dhanka isgoyska Dabka ee waddada Maka Al-Mukarama.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhaawacmay ku dhawaad illaa 5 askari oo ka mid ah ciidamada ku sugnaa goobta la weeraray, waxaana kadib baxsaday raggii ka dambeeyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, kuwaas oo la sheegay in lagu soo qab-qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay weerarkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan weerarkan iyo howlgalka xigay intaba

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaa si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha waddada uu weerarka ka dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wajaheysay xaalado amni darro, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo lagu dilay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here