MALABO – Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay inuu laba jibbaaray deeqda uu u qoondeeyay Soomaaliya ee 2025, isagoo oggolaaday $10 milyan oo dheeraad ah si loo taageero kala-guurka howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta ee AUSSOM iyo midkii hore ee ATMIS.
Go’aanka ayaa lagu gaaray Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, oo lagu qabtay magaaladda Malabo 10–11-ka bishan. Tallaabadan ayaa kor u qaadaysa guud ahaan deeqda Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadka 2025 ilaa $20 milyan, taasoo laga bixiyay Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah ee Midowga Afrika.
Lacagtan ayaa loo qoondeeyay howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo bishii Janaayo 2025 beddelay ATMIS, isla markaana aan ahayn mid dagaal ku saleysan balse diirada saaraya arrimaha xasilinta dalka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in lacagta dheeraadka ah ay xoojin doonto howlgalka ay Soomaaliya hoggaaminayso, kordhin doonto isku-duwidda labada dhinac, isla markaana ka hortagi doonto meel-mar la’aanta amniga intii lagu jiro wareejinta.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka maaliyadeed ee AUSSOM weli ma cadda. Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday inay dabooli doonto ilaa 75% kharashaadka sanadlaha ah ee howlgalka, oo lagu qiyaasay $166.5 milyan, hase yeeshee Mareykanka ayaa diiday inuu si toos ah uga qeyb qaato maalgelinta. Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa ku sababeeyay go’aankaasi walaacyo ku saabsan isla xisaabtanka, waartaanka howlgalka, iyo culeyska dhaqaalaha ee aan si siman loo wadaagin.
Go’aanka Mareykanka ee uu uga haray maalgelinta tooska ah ee AUSSOM wuxuu calaamad u yahay isbedel weyn oo laga dareemayo taageeradii uu horey ugu fidin jiray howlgalada AU ee Soomaaliya. Intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2020, Mareykanku wuxuu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo lagu taageeray AMISOM iyo ATMIS, sida ay sheegayaan xogaha AU iyo Midowga Yurub.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha inay bixiyaan taageero joogto ah. Bishii Juun, Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay gaareen heshiis lagu dhisayo qaab-dhismeed wadajir ah oo talis, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya hoggaan u yeelato AUSSOM.
Inkasta oo Sanduuqa Nabadgalyada Midowga Afrika dib loo qaabeeyay 2016 si loo yareeyo ku-tiirsanaanta deeq-bixiyeyaasha dibadda, haddana howlgalada nabad ilaalinta Afrika waxay weli si weyn ugu tiirsan yihiin taageerada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.




