Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadanimo ee ka soo cusboonaatay deegaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada Al-Shabaab.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee gobolka iyo saameynta ay ku reebeen dagaallada socda la wadaagay Guddoomiyaha SoDMA, isaga oo xusay in in ka badan 60,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii u dambeeyay, halka ay xirmeen in ka badan 10 xarumo caafimaad (MCH) oo daryeelka aasaasiga ah siin jiray shacabka ku noolaa deegaannadaasi.
Wuxuu sidoo kale xusay in dad badan ay wajahaan xaalado nololeed oo adag oo u baahan gargaar degdeg ah, isaga oo ka codsaday hay’adda in si dhaqso leh loogu gurmado dadkaas nugul.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan gobolka Hiiraan, gaar ahaan meelaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada. Wuxuu sheegay in SoDMA ay ka go’an tahay inay si degdeg ah u gaarsiiso gargaar bini’aadanimo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo barakaca.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhaxeeya Hay’adda SoDMA iyo Maamul Goboleedyada, si kor loogu qaado wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ee nugul ay helaan daryeel iyo gargaar degdeg ah.



