Axmed Karaash oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka.
Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland.
Gabagabadii weftiga...
Faah faahino ka soo baxaya nin Soomaali ah oo lagu dilay London
Nin Soomaali ah ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay xaafadda Leyton ee bariga magaalada London ee dalka UK, oo Soomaali badan ay dagan tahay.
Ninkan oo lagu weeraray mindi ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha gurmadku ay la gaareen cisbitaal aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay.
Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga...
PUNTLAND oo ka digtay roobab iyo dabaylo ku wajahan xeebaha gobolka Bari
Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan dabaylo iyo roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay 48 saac ee soo socda ku dhuftaan xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi
Warqad ka soo baxday maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa loogu baaqay bulshada ku nool qaar ka mid ah Gobolka Bari inay ka fogaadaan deegaanada Xeebta ku dhow, gaar...
Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.
Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi, waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku qaaday Xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.
2016 ayuu goostay in...
Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay xalay la wareegeen xarunta maamulka ciidamo la magac baxay bad-baadada Hiiraan.
Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Dalka, waxayna u abaabulan yihiin hab beeleed, iyada oo uu hoggaaminayo...
Akhriso: Heshiiska laga gaaray habraaca doorashooyinka dalka
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka.
War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.
– Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
– Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
– Habraaca Xulista Ergada Doorashada
– Habraaca Amniga Doorashada
– Habraaca...
Somalia launches COVID-19 vaccination exercise for civil servants
Somalia on Saturday launched the COVID-19 vaccination exercise for its civil servants.
Announcing this, Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Republic of Somalia, Abdiwahab Ugaas said, “I have today launched the vaccination program for COVID-19 for all government employees, as an effort to prevent the spread of the virus.”
The vaccination program was implemented by the country’s Ministry of Health...
Somali PM orders probe into killing of 7 civilians in southern region
Somali Prime Minister Mohamed Roble on Saturday ordered investigations into the deaths of seven civilians reportedly killed by the African Union troops during a counter-offensive in Golweyn, the southern part of the country.
The prime minister's spokesman Mohamed Moalimuu said Roble has formed a ministerial committee to probe reports of civilian killing by AMISOM forces on Aug. 10.
Moalimuu said the...
Wasiir Fawziya oo la kulantay wafdi ka socda hay’adda caafimaadka ee WHO
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka De-Martini ku qaabishay Wafdi ka socday Hay'ada WHO. Wasiiradda iyo Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida qeybta latacaalidda Caabuqa Covid-19, Qeybta bixinta Tallaalka, iyo dhismaha gaar ah ee loo dhisi doono warshada Oxygen ka ee Isbitaalka De-Martino,
Wasiiradda ayaa wafdiga ug mahadcelisay booqashada waxeyna...
Guddiga loo saaray dhacdadii Golweyn oo la kulmay taliska ciidanka AMISOM
Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.
Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha...













