Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ka shiray amniga Gobolka Baay
Baydhaba — Cabdullaahi Xuseen Cirro, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa shir guddoomiyay kulan amni oo saraakiisha ciidamada ay ku yeesheen magaalada Baydhaba, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga ee Gobolka Baay iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Korneyl Isaaq, Korneyl Xuseen Moolif iyo saraakiil kale oo ka socotay hoggaannada kala...
Wasiirka Hawlaha Guud oo kulan muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee GCC
Baku, Azerbaijan — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga...
Xadka Rwanda iyo Congo oo la xiray iyadoo laga cabsi qabo Ebola
Goma — Xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo iyo Rwanda, gaar ahaan meelaha ku xeeran magaalooyinka Goma iyo Gisenyi, ayaa la xiray tan iyo subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen ilo kala duwan oo goobta ku sugan.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Rwanda ama jabhadda M23, oo gacanta ku haysa Goma tan iyo...
Mucaaradka oo markale iclaamiyay bannaanbax ka dhan ah dowladda
Muqdisho — Xasan Cali Khayre ayaa shacabka ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay inay ka qeyb galaan bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalada, isagoo sheegay in loo baahan yahay “in dalka la badbaadiyo,” isla markaana dadka looga baahan yahay inay kasoo baxaan degmo kasta iyo deegaan...
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay muddo kordhinta dowladda
Muqdisho — Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan xubnaha mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci darro ah ugu sii joogo Villa Soomaaliya, kaddib markii, sida uu sheegay, muddo xileedka dowladda uu dhammaaday.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay dowladda inay sameysatay muddo kordhin hal sano ah, isagoo sheegay in Madaxweynaha uu shan habeen ku sugnaa...
Sheekh Shariif oo sheegay in muddo xileedka dowladda uu dhammaaday
Muqdisho — Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu dhammaaday, isagoo xusay in aan weli lagu heshiin hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaannada dowladda waqtigoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo helo heshiis siyaasadeed...
Taliyaha NISA oo kulan amni la qaatay laamaha amniga degmada Gubadley
Muqdisho — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Taliyaha Hay’adda, Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta kulan amni iyo wadatashi ah ku qabtay Degmada Gubadley, kaas oo ay ka qeyb galeen Imaamyo, odayaal dhaqameed, xubno bulshada rayidka ah, saraakiisha amniga iyo masuuliyiinta maamulka degmada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada, iyo sidii si wadajir...
Hay’adda SoDMA Oo Gargaar Gaarsiisay Magaalada Buurhakabo ee gobolka Bay
BUURHAKABO, BAY — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo, halkaas oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo deg-deg ah.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada...
Xarun casri ah oo shaqo-abuur loogu sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho laga furayo
ADDIS ABABA — Shirkadda caanka ah ee LG Electronics, Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA), Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsan Soomaaliya, iyo Xarunta Nabadda ee Elman (Elman Peace Centre) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub oo ujeedkiisu yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu baro xirfado farsamo, si loogu abuuro fursado shaqo...
LG, KOICA, UNDP and Elman Peace Centre to promote employment and peacebuilding in Somalia
In a new model of public-private cooperation, LG, the Korea International Cooperation Agency (KOICA), the United Nations Development Programme (UNDP) Somalia, and Elman Peace Centre officially launched a partnership to support skills development and peacebuilding in Somalia.
The initiative will create sustainable livelihood opportunities for Somali youth through technical and vocational education, while also strengthening resilience, social stability, and long-term...












