Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo London kula kulmay dhiggiisa UK

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay dhigiisa dalka Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda UK ay u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka Caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta Waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa hoosta ka xariiqay in Britain ay ku jirto saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada Soomaaliya, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee horumarinta Waxbarshada ee London ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here