Xijaar oo xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii saldhigga magaalada Jowhar

0

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday saldhiga Booliska degmada jowhar Dhamme Maxamed Siyaad Cali canjeex.

Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Jowhar loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .

Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here