Ra’iisul Wasaare Xamse oo bogaadiyey waxqabadka Xukuumaddiisa

0

Muqdisho –  Munaasabadda sannadlaha ah ee Banbaxa Golaha Wasiirrada, oo uu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, kula xisaabtamo Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tegay, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in isla-xisaabtanka iyo qiimeynta waxqabadku ay yihiin tiir muhiim u ah hufnaanta dowladnimada, isaga oo Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku boorriyey inay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu gaarsiinayo shacabka adeegyo tayo leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku ammaanay horumarka iyo guulaha ay ku hoggaamisay dalka muddadii afarta sano ahayd ee ay shaqeyneysay.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtanka joogtada ah, qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo adeegyada iyo horumarka dalka.

“Xukuumadda waxaa laga rabaa in cidda dadaalka iyo waxqabadka la timaadda lagu abaalmariyo, oo aysan isku mid noqon qofka dadaalay iyo kan gaabiyey. Maanta halka aad joogtaan waa meel aad uga sarreysa halkii shalay la joogay. Waad ku amaanantihiin dadaalka iyo waxqabadka aad muujiseen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey waxqabadka wanaagsan ee ay muujiyeen Wasaaradaha, isaga oo soo dhaweeyey adeegsiga nidaamyada danabaysan ee lagu maareynayo laguna qiimeynayo waxqabadka Dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo hannaanka casriga ah ee maamulka waxqabadka, si qorshayaasha Dowladda loogu beddelo natiijooyin la cabbiri karo oo wax-ku-ool u ah shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay horumarka laga gaaray hirgelinta Siyaasadda Maareynta Waxqabadka Mideysan ee Dowladda iyo Hannaanka Danabaysan ee Maareynta Waxqabadka Mideysan ee Dowladda (GIPMS), oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu hirgeliyey si loo xoojiyo dabagalka, qiimeynta iyo isla-xisaabtanka waxqabadka hay’adaha Dowladda.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here