Xoghayaha Guud ee Xoghayaha Dunida Islaamka oo la kulmay culimo sare oo Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Xoghayaha Guud ee Ururka Caalamiga ah ee Dunida Islaamka (MWL), ahna Guddoomiyaha Ururka Culimada Islaamka, Sheekh Dr. Maxamed bin Cabdulkarim Al-Ciisa, ayaa kulan la qaatay culimo sare oo Soomaaliyeed.

 

Kulanka ayaa la xiriiray madal cinwaankeedu ahaa “Soomaaliya oo ku taal bartamaha Dunida Islaamka”, waxaana diiradda lagu saaray arrimo la xiriira doorka culimada iyo sidii wax looga qaban lahaa afkaarta xagjirka ah ee ka fog dhaqanka Islaamiga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Culimadii ka qeyb gashay kulanka ayaa muujiyay mahadcelintooda, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada khataraha ay leeyihiin afkaarta xagjirka ah iyo hababka looga hortagi karo.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis ku saabsan mashruuc wadajir ah oo ka kooban dhowr hindise iyo barnaamijyo gaar ah, kuwaas oo looga golleeyahay xoojinta iskaashiga dhanka cilmiga iyo aqoonta ee u dhexeeya MWL iyo culimada Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here