ARUSHA, Tanzania — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee Tanzania kulan kula yeeshay wafdi ka socday Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye, kaas oo ka qaybgalayay Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka baarlamaannada Soomaaliya iyo Türkiye iyo horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay war kasoo baxay Golaha Shacabka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha baarlamaannada labada dal.
Guddoomiye Jaamac iyo wafdiga Baarlamaanka Türkiye ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta diblomaasiyadda baarlamaanka iyo in la isu soo dhoweeyo aragtiyada iyo mowqifyada labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee arrimaha ay labada dal danaha wadaagaan iyo kuwa mudnaanta u leh labada qaran ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Soomaaliya iyo Türkiye ayaa sannadihii u dambeeyay lahaa xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, iyadoo Ankara ay taageero ka geysato arrimo ay ka mid yihiin horumarinta, amniga iyo gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Kulanka Arusha ayaa dhacay xilli ay magaaladaasi isugu yimaadeen xildhibaanno iyo wafdiyo baarlamaan oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka qaybgalaya shirweynaha IPU.
Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanku uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal iyo in la ballaariyo iskaashiga baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Türkiye.



