VENICE, Talyaaniga — Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice kaga qayb galay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda Adduunka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Ciidanka Badda Talyaaniga.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan ayaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, la socodka maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqyada badda, ilaalinta fiilooyinka mara badaha, horumarinta qalabka casriga ah iyo iskaashiga dalalka leh dhul-badeedka.
Jeneraal Cabdiwahaab oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya, oo ku taalla goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamka, ay xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee dhinaca amniga badaha.
Intii uu ku sugnaa Talyaaniga, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u saxiixay heshiisyo Soomaaliya loogu daray laba shabakad oo caalami ah oo dhinaca iskaashiga iyo xog-wadaagga badaha ah, kuwaas oo kala ah V-RMTC iyo T-RMN.
Labadan shabakad ayaa fududeeya is-weydaarsiga xogta la xiriirta maraakiibta, dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda iyo xaaladaha amni ee badaha, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in ku biiristoodu ay sare u qaadi doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.
Sidoo kale, Jeneraal Cabdiwahaab ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Qatar, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Al-Sulaiti, iyo Taliyaha Ciidanka Badda Turkiga, Admiral Ercüment Tatlıoğlu, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca badda iyo amniga ee Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga.



