Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo ka qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan mideynta goleyaasha fatwada Islaamka

0

Istanbul – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay kulan caalami ah oo looga hadlayo talo-wadaagga goleyaasha fatwada Islaamka iyo sidii loo mideyn lahaa aragtida culimada Muslimiinta ee ku aaddan caqabadaha dunida maanta ka jira.

 

Kulankan oo loogu magac daray International Fatwa Council Consultation Meeting ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo waaweyn iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş.

Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa hannaan wada-tashi oo joogto ah, kaas oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka.

Ajendayaasha shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa mideynta aragtida culimada iyo xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka, ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI), iyo la dagaallanka xogaha diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisneyn cilmi iyo aqoon sugan.

Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan, isla markaana ay abuuraan habab wada-tashi oo wax ku ool ah, kuwaas oo awood u leh inay ka jawaabaan caqabadaha cusub ee haysta dunida Islaamka.

Intii uu wasiirku ku sugnaa magaalada Istanbul, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha diinta ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya, iyo sidii Hay’adda Diyanet ay uga qeyb qaadan lahayd horumarinta iyo xoojinta hay’adahaas.

Ka-qeybgalka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ee kulankan caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay hay’adaha diinta ee caalamka, iyo ka qeybgalka doodaha caalamiga ah ee la xiriira fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here