Madaxweyne Sicii Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa soo dhowayn abaabulan loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana loo xiray dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Siciid Deni ayaa mudda bil ku dhowaad ah safar la xiriira ololaha doorashada Soomaaliya ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa Caawa kulan gaar ah la yeelan doona Guddoonka Baarlamanka, si loo dhammaystiro heshiis hordhac oo ay labada dhinac ka gaareen muran siyaasadeed u dhexeeyay.

Sidoo kale, waxa la filaya in ay ka wada-hadlaan soo saarista liiska xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here