Wasiir Dubbe oo markale ka hadlay xiisadda ka taagan Tiyaatarka Qaranka

0

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay xafladda Qalinjebin ah waxa uu sheegay in fanaaniinta reer Suudaan oo ay ka mid tahay Nada Naada Al-Qalcah ay rabaan inay barnaamij ku qabtaan tiyaatarka Qaranka Soomaaliya taas oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

“Safiirka Suudaan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ayaa raba inay tiyaatarka barnaamij ku dhigaan, xafiiska ayuu iigu yimid wuxuuna igu yiri fanaaninta waxa ka mid ah ah oo Nada Alkhala.” ayuu yiri wasiirka.

Nada waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Suudaan, iyada oo haysato taageero badan oo Soomaali ah.

Sidoo kale wasiir Dubbe waxa uu intaasi sii raaciyey “Kunkan qof ee Tiyaatarka fadhida iyo kuwa banaankiisa jooga ee xafladda kala socda meel ay biyo ka cabaan maleh Tiyaatarku anigaa iri biibito biyaha lagu gado xitaa cuno ma ahan haloo sameeyo”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay xiisad ka taagneyd Tiyaatarka Qaranka, taas oo ka dhalatay kiraynta qeyb ka mid ah dhismihiisa, kadib markii ay ka biyo diideen golaha abwaanada, waxaana mar dambe  farageliyey R/wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here