Arusha, Tanzania – Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), oo ay hoggaaminayso Senator Samsam Daahir Maxamuud, ayaa ka qaybgalay doorashada madaxweynaha cusub ee ururka, taas oo ka dhacday magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, iyadoo qayb ka ahayd Shirweynaha 153-aad ee IPU.
Doorashada oo ay ku tartamayeen saddex musharrax ayaa waxaa ku guuleystay Milton Dick, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka Australia, kaas oo ka adkaaday labada musharrax ee kale, Sahiba Gafarova, Guddoomiyaha Baarlamaanka Azerbaijan, iyo Rojo Edwards Silva, oo ah senator ka tirsan Baarlamaanka Chile.
Ka qaybgalka wafdiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee doorashadan ayaa muujinaya doorka ay Soomaaliya ku leedahay hawlaha iyo go’aan-qaadashada ururka, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga baarlamaannada caalamka.
Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) waa madal caalami ah oo ay baarlamaannada dalalku ku horumariyaan dimuqraadiyadda, nabadda, wada-hadalka iyo iskaashiga, iyagoo ka wada shaqeeya arrimaha ay wadaagaan.




