Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska iyo Duulimaadyada Soomaaliyeed (SATTA), iyadoo ay kulanka goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo SATTA, si loo horumariyo dalxiiska dalka, kor loogu qaado adeegyada duulimaadyada iyo socdaalka dalxiisayaasha, isla markaana Soomaaliya loogu suuqgeeyo inay tahay dal leh fursado ballaaran oo dhinacyada dalxiiska iyo maalgashiga ah.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa uga mahadceliyay SATTA doorka muuqda ee ay ka qaadaneyso horumarinta dalxiiska, tayeynta adeegyada socdaalka iyo dadaallada lagu soo bandhigayo fursadaha dalxiis ee Soomaaliya.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SATTA, Eng. Mursal Maxamed, ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay dalladdu inay si dhow ula shaqeyso Wasaaradda, isla markaana ay gacan ka geysato hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo dalxiiska iyo kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada ka shaqeeya dalxiiska iyo duulimaadyada.




