Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ‘isku soo dhiibay’ ciidamada dowladda

Cali Ibraahim oo muddo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa caafimaadka gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay ciidamada Gorgor ee ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug. Sarkaalkan oo ka yimid dhinaca degmada Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo dhoweeyey deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ciidamada Gorgor ayaa weli gacanta ku haya sarkaalkan, mana cadda in loo soo gudbin doono dhinaca magaalada...

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladaha cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 6 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 97 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (40), Puntland (23), gobalka Banaadir (20), Jubbaland (11) iyo...

Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa dil xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo toogasho ku khaarijiyey labo askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale labada askari ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmedey Gadaf iyo Sakariye Cali...

Ciidamadii ugu dambeeyey ee dalka Mareykanka oo ka baxay Afghanistan

Ku dhawaad 20 sano kadib markii Mareykanku ciidamo u diray Afghanistan si ay uga dabatagaan argagixisadii qorsheysay weerarradii 11-kii Sebtember 2001, ciidamada Mareykanka ayaa ugu dambeyntii isaga soo baxay dalkaas. Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee Afghanistan intii lagu gudajiray shir jaraa'id Isniintii kaas oo ka dhacay Pentagon, isagoo u sheegay wariyeyaasha in diyaaraddii...

Rooble oo amar ku bixiyey in la hakiyo kiraynta xarunta Tiyaatarka Qaranka

War Saxaafadeed Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho. War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan: “Aniga oo fulinaya amarka...

Maxay ka wada-hadleen R/wasaaraha Soomaaliya iyo musharixiinta?

Ra’iisul Wasaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin:- Dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda Rooble ayaa sidoo kale Midowga Murasharaxiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha...

Dar es Salaam shooter was on ‘revenge’ after police allegedly took his gold-source

The 30-year-old man who killed four security officials near the French embassy in Dar es Salaam was a gold dealer on a supposed revenge mission after police allegedly confiscated his gold, HOL has learned. A source privy to the family business and who did not want to be named told HOL Hamza Hassan Mohamed may have been motivated by police...

Somalia: Arson attack destroys Red Crescent clinic

The International Committee of the Red Cross (ICRC) and the Somalia Red Crescent Society (SRCS) are dismayed by Saturday’s arson attack on the Bardere clinic in Somalia’s Gedo region. The fire, instigated by protestors, destroyed the SRCS clinic while three staff were also injured in the incident. “Our three colleagues are recovering from their injuries. We are assessing the damage...

Meydka Soomaaligii weerarka ka geystay Tanzania oo la aasay

Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska Tanzania iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda. Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada. Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo...

Muxuu Cali Guudlaawe ka yiri arrimaha doorashooyinka dalka ee billowday?

Madaxweynaha maamul goboleedka Hrshabeelle Cali Guudlaawe oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah maamulkiisa u bilaabi doonaan doorashada xubnaha ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya. Guudlaawe ayaa sheegay in doorashada ay u qaban doonaan si xor iyo xalaal ah oo ay cadaalad ku dheehan tahay, xili maamulka...

WARAR KALE

Masar oo Xoojisay Taageerada Midnimada Soomaaliya iyo Iskaashiga Labada Dal

Muqdisho – Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Shariif, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, si loo...

Somalia, Egypt Hold Aid Talks in Mogadishu

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s disaster management chief met Wednesday with a senior Egyptian official in Mogadishu to strengthen humanitarian cooperation.   The chairman of SoDMA, Mohamud...

Cirro oo La Kulmay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Iskaashi Amni oo Cusubna ka Wada Hadlay

Tel Aviv – Wasiirka Gaashaandhigga Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in muddo sannado ah ay ka sameynayeen hawlgallo taxane ah oo sir ahaa gudaha maamulka...