Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Muxuu Rooble ka yiri shaacinta musharaxiinta Aqalka sare ee K/Galbeed?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda. Ra’iisal wasaare ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo in ay  ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan. Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii dambe...

Madaxweyne Farmaajo oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil  iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil...

RW Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho, kana warbixiyey shirkii London

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay kooxda ciyaartoyda Kismaayo lagula beegsaday, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Marka hore waxaan rabaa inaan...

AMISOM oo ciidamo gaar ah u diyaarisay amniga doorashooyinka

Taliyaha booliska AMISOM Augustine Magnus ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo suga amaanka goobaha doorashooyinka Soomaaliya oo Khamiistii ka billowday Kismaayo. AMISOM waxay sheegtay inay u diyaar garowday ilaalinta amaanka goobaha doorashooyinka Baarlamaanka lagu qabanayo, waxayna u xil-saartay Ciidan boolis ah oo la shaqeyn doono kuwa Soomaalida. Howlgalka Midowga Afrika waxuu xusay in tani ay qeyb ka qatay waajibaadkooda amniga iyo...

Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland. Qatar ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in la qarxiyo dhalinyaro ciyaartoy ah oo aan waxba galabsan, waxayna ka tacsiyadeysay geeridii ku timid ciyaartoyda. Bayaan ay soo saartay Qatar ayaa waxaa lagu yiri: “Dowladda Qatar waxay ku celinaysaa mowqifka adag...

Kulan looga hadlayey amniga doorashooyinka oo ka dhacay Baydhabo

Guddiga Hirgellinta Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir looga Hadlayey sugidda amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyinka  Booliska Soomaaliya  AMISOM iyo  UNSOM. Guddiga saraakiisha ayaa iska xog wareeysatay sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo amniga Goobaha ee doorashada Aqalka sare ay ka dhici doonto,si loo xaqiijiyo Amniga Gobahaasi Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer...

XF oo bulshada fartay in ay ka qeyb-qaataan ka hortagga Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Bulshada in ay ka taxaddaraan faafitaanka Corona Virus oo mar kale laga cabsi qabo wareegiisii saddexaad in uu ka bilowdo Soomaaliya. Qoraal ay Wasaaraddu ku daabacday boggeeda Facebook-ga ayaa lagu yiri:- “Ka hortaga Caabuqa Covid-19 waa masuuliyada nawada saaran, fadaln ka ilaali naftaada, qoyskaaga iyo Bulshadaada Caabuqa Covid-19. Si aan uga hortagno faafidda Caabuqa Covid-19,...

Dab xoogan oo goordhow ka kacay warshad ku taalla Garoowe

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab goor dhow ka kacay dhismaha warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Dabka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare hantiyeed oo fara badan, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, si...

Faah faahino ka soo baxaya howl-gallada ka socda Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli ciidamada Jubbaland ay howl-gallo ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Howl-gallada ayaa daba socda qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaaladaasi, kaas oo ay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay koox ciyaartoy ah. Taliska Booliska Jubbaland oo ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday inay ku daba-jiraan...

Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya

Xubnaha beesha caalamka ayaa war cusub kasoo saaray doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo marka hore soo dhoweeyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare. Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay sii wadaan dadaalladooda ku aadan qabsoomida doorashada. Halkan hoose ka aqriso:- Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May...

WARAR KALE

Somalia condemns reported Israel contacts with Somaliland, calls move a violation of sovereignty

MOGADISHU - Somalia on Tuesday voiced strong concern over reports that Israel has established contacts with the breakaway northern region of Somaliland without involving...

Soomaaliya oo Ka Digtay Xiriir Aan Sharci Ahayn oo Israa’iil La Yeelato Maamulka Somaliland

MUQDISHO - Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil...

Somaliland, Israel Sign Security and Economic Cooperation Pact

JERUSALEM, June 16 — Somaliland and Israel have signed a wide-ranging cooperation agreement covering security, economic development and investment, marking a significant deepening of ties...