Cabo Verde – Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay tababaraha xulka qaranka, Yuusuf Cali Nuur, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Istiraatiijiyadda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ee 2026, kaas oo ka socda dalka Cabo Verde.
Shirweynahan oo uu guddoominayo Madaxweynaha CAF, Dr. Patrice Motsepe, ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda 54-ka xiriir ee kubadda cagta ee xubnaha ka ah CAF, madaxda ururrada gobollada, xubnaha Guddiga Fulinta CAF, tababarayaasha xulalka qaranka, khubaro caalami ah iyo Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino.
Madashan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saarayaa mustaqbalka iyo horumarinta kubadda cagta Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo tayeynta ciyaartoyda iyo tababarayaasha, xoojinta hay’adaha kubadda cagta, hagaajinta maamulka, kordhinta maalgashiga iyo dejinta hannaan horumarineed oo waara oo ay ku shaqeeyaan xiriirrada kubadda cagta ee qaaradda.
Sidoo kale, qodobada muhiimka ah ee shirka waxaa ka mid ah qiimeynta waxqabadkii xulalka Afrika ee Koobka Adduunka 2026 iyo sidii casharrada laga bartay loogu adeegsan lahaa diyaarinta qorshayaasha Afrika ee Koobka Adduunka 2030.
Ka qaybgalka Guddoomiye Cali Shiine iyo wafdigiisa ayaa muujinaya matalaadda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ee madalaha muhiimka ah ee qaaradda, kuwaas oo lagu falanqeynayo qorshayaasha, siyaasadaha iyo fursadaha lagu horumarinayo kubadda cagta Afrika.




