Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii awood-qaybsiga ku salaysnaa beelaha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xafladda xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorshayaashii loo dejiyay, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda sannadka 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii la sameeyay sannadkan. Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka dijitaalka ah ee la socodka waxqabadka Wasaaradaha.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda, hufnaanta shaqada iyo in si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda in natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhigga lagu sii xoojinayo waxqabadka, laguna saxayo gaabisyada u baahan dardargelin, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.





