Jubbaland oo Ansixisay Miisaaniyadda Sanadka 2027 oo Ka Badan $60 Milyan

0

Kismaayo – Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2027, taas oo wadarta guud ay gaareyso 60,886,783.86 oo doollar, sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

 

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland, Maxamed Yuusuf Cumar, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan miisaaniyadda sannadka soo socda iyo xaaladda dakhliga maamulka.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha u sheegtay in dakhliga gudaha ee Jubbaland uu kordhay 2.42%, iyadoo kororkaasi uu qayb ka yahay xogta lagu soo bandhigay qorshaha maaliyadeed ee sannadka 2027.

Miisaaniyadda cusub ayaa diiradda lagu saaray qorsheynta maaliyadda dowladda iyo mudnaanta hawlaha la qorsheeyay in la fuliyo sannadka soo socda.

Miisaaniyaddan ayaa saldhig u noqon doonta maareynta dakhliga, qorsheynta iyo habaynta kharashaadka dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta u leh bulshada Jubbaland.May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here