Guddiga doorashada HirShabelle oo dalab xasaasi ah u diray Guudlaawe
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray qoraal uu madaxweyne Cali Guudlaawe uga codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle.
Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo tixraacaya heshiisyadii laga gaaray doorashada iyo ilaalinta waqtiga jadwalka loo dejiyey in doorashadu ku dhacdo ay madaxweynaha HirShabeelle ka codsanayaan inuu u...
Guddiga doorashooyinka heer federaal oo soo saaray jadwal cusub
Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaas lagu kala cadeeyey goorta lasoo gabagabeynayo doorashada Aqalka Sare iyo goorta ay bilaabaneyso tan golaha shacabka.
Sida ku cad jadwalkaan caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.
Sidoo kale 25-ka bishaan...
Cali Guudlaawe oo Jowhar ku qaabilay madaxdii ka tegtay Beledweyne
Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Beledweyne, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan.
Wafdiga ka yimid Beledweyne...
Ra’iisul wasaare Rooble oo 48 saac u qabtay agaasimaha hay’adda NISA
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo NISA ay shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.
Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, loona baahanyahay caddeymo dheeraad ah.
Sidoo kale waxa uu faray agaasimaha guud ee NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo...
Puntland sends troops to fight Al-Shabaab in neighbouring state
Somalia's semi-autonomous region of Puntland said on Friday it had sent forces to the neighbouring region of Galmudug to help the military there push Al-Shabaab Islamist militants out of a strategic town they captured last month.
Al-Shabaab fighters last month attacked a military base in the Galmudug town of Amara and took control of it after battling with government special...
Farmaajo oo maamuus u sameeyey xulka ku guuleystay ciyaaraha Puntland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha oo Xulka ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha,...
Xubno ka socda guddiga heer federaal ee doorashada oo gaaray Jowhar
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal mudane Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.
Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte ayaa soo dhoweyn ka...
Wararkii ugu dambeeyey dhalinyaradii lagu afduubtay degmada Beledweyne
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo sedex dhalinyaro ah oo shalay laga afduubtay xaafadda Howlwadaag.
Afduubka dhalinyaradan ayaa la xiriirinayaa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd sirdoonka Soomaaliya oo dawladdu sheegtay in Al-Shabaab ay dileen balse shabaabku iska diideen inay ku lug lahaayeen dilka gabadhaasi.
Dadka afduubka gaystay ayaa ku hayb...
UN urges urgent support to scale up life-saving assistance in Somalia
The UN humanitarian agency on Thursday called for sustained funding to enable aid agencies to scale up life-saving assistance in Somalia.
Adam Abdelmoula, Humanitarian Coordinator for Somalia, said in a statement issued in Mogadishu that with limited resources and funding, humanitarian agencies in Somalia need urgent support to provide timely response.
Abdelmoula said as the Somalia Humanitarian Funding (SHF), a multi-donor...
Faah faahino kasoo baxaya howl-gallo laga sameeyey magaalada Jowhar
Ciidamada amniga ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga saaka waxa ay ka sameeyeen qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerarro Bam loo adeegsaday ay ka dhaceen.
Saaraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa waxa ay shaaciyeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, isla-markaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen shacabka.
Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka...













