Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare
Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hir-Sbabeelle ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan Magaalada Jowhar kula qaateen Guddiga Baarlamaaniga ah ee qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.
Kulanka oo uu guddoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdi xakiin Luqmaan Xaaj Muxumed ayaa gogol xaar waxaa uu u ahaa wadashaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare...
Duqa magaalada Muqdisho oo furay waddo u xirneyd arrimo amni
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.
Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed...
Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurhakaba
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos oo sidoo kale ay ku biireen ciidanka...
Maxay ka wada-hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar?
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wada-hadallo dhanka taleefanka ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Mohammad Bin Abdulrahman Al-Thani a, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda labada dal iyo tan sidoo kale gobolka.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah...
Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas la xiriira cudurka Covid-19
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 67xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux.
<span;>Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay...
Ciidamada Puntland oo howl-gal ka fuliyey buuraleyda gobolka Bari
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF Puntland, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Golis ee Gobolka Bari.
Hawlgalkan oo lagu xaqiijinayay Amniga Gobolka ayaa laga sameeyay buuraleyda Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Puntland.
Hawlgalka waxa hoggaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca ee Silsiladda Golis G/Sare Saciid Nuur...
US does have troops in Somalia and Yemen, contrary to Psaki and Sullivan
White House press secretary Jen Psaki falsely claimed the United States does not have any troops in Yemen or Somalia while defending the full U.S. military withdrawal from Afghanistan.
Psaki argued the U.S. would be able to conduct counterterrorism operations in Afghanistan without troops there, based on the examples of Yemen and Somalia, where the U.S. does in fact have...
Al-Shabab leader surrenders in central Somalia amid operations
Somali National Army (SNA) confirmed Tuesday a senior al-Shabab leader surrendered to the government forces in the central town of Dhusamareb, the capital of Galmudug state.
The SNA said Ali Ibrahim has been the head of the al-Qaida allied terrorist group’s health office in the Galgaduud region for years.
The SNA Radio said that the long-time al-Shabab health official surrendered to...
Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay guddiyada qaabilsan doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo kan xallinta khilaafaadka, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta doorashooyinka.
Rooble ayaa sidoo kale sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.
Qoraal ka soo baxay xafiiska...
MW Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga maanta ka guddoomay safiiro cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.
Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo...













