Puntland oo wada dadaallo looga hortegayo dagaal beeleedyada Nugaal
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal beeleed gelinkii dambe ee shalay beelo walaalo ah ku dhex maray deegaanka saax-maygaag oo kuyaalla galbeedka tuulada Birta-dheer eegobolka Nugaal.
Beelahaan ayaa la sheegay in ay horay ugu dirireen deegamaynta dhulka waxaana hadda socdadadaallo nabadayn ah oo la doonayanyey in lagu soo afjaro qulqulatooyinkaaas.
Nabadoon Khaliif Aw Cali oo ka mid ah...
Xubin katirsan Daacish oo xukun 10 sano ah lagu riday
Cabdisamad Ibraahim Cumar oo magiciisa Afgarashadu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka tirsanaa ilaa 2016.
Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarise ee dalka Kenya, waxa uuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo joogo Nairobi.
Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa...
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar
Madaxweynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxwynaha dowlad Goboleedka...
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-Maygaag oo u dhexeysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.
Labo maleeshiyo beeleed ayaa ku diriray miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-Maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay.
Sidoo kale deegaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba malayshiya-beeleed...
Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne
Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala qaadaan ciidammadii is diidanaa ee isku hor fadhiyay magaalada Baledweyne.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidammo gadooday ay qabsadeen xarunta gobolka ee magaaladaasi, kuwaas oo diidanaa in magaalada uu yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Odayaashu waxa ay sheegeen inay tahay in la furo wadahadallo lagu xallinayo tabashooyinka jira, hasayeeshee...
Gabdho ka mid noqonaya Ciidanka Haramcad oo tababar loo soo xiray
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Cankiri ee dalka turkiga dufcadii ugu horaysay ee hablo dhamaystay tababar ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Musaasabadan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya kuwaas oo uu ugu horeeyo...
Aqriso: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabis sameeyey
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Ceyn ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.
Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.
Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo
Wuxuu u magacaabay:-
Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka...
Network of Somali lawyers trained to defend journalists and news media organisations launched
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO) is proud to announce the launch of the first-ever network of media lawyers capacitated to defend journalists and news media organisations who are attacked because of the nature of their work.
The network was established on the final day of a historic training...
Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.
Warar ayaa...
Talyaaniga oo bad-baadiyey 539 qof oo tahriibayaal ah
Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 539 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay dooni kuwa kalluumeysiga ah oo ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa.
Kooxaha badbaadiyaasha ayaa sheegay in dadkaan ay yihiin tiradii ugu badnayd ee muhaajiriin ah oo hal maalin gudaheed soo galay jasiiraddaasi,waxaan ku jiray dumar iyo carruur .
kooxda samafalka ee MSF (Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn), ayaa sheegay in tiro ka...













