Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga & gudiyada doorashooyinka?

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku. Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii...

MW farmaajo oo daah furay hirgelinta guddiga 4-aad ee Af-Soomaaliga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Afsoomaaliga ayaa ka...

Midowga musharixiinta oo ka soo horjeestay habraaca doorashooyinka

Golaha midowga musharixiinta ayaa si weyn kaga horyimid habraacii doorashooyinka ee ay shalay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. War-murtiyeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in habraacii ka soo baxay golaha wada-tashiga qaran uu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-kii May, sida ay ku sheegeen warka qoraalka ah ee ka soo baxay musharixiinta...

Axmed Karaash oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka. Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland. Gabagabadii weftiga...

Faah faahino ka soo baxaya nin Soomaali ah oo lagu dilay London

Nin Soomaali ah ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay xaafadda Leyton ee bariga magaalada London ee dalka UK, oo Soomaali badan ay dagan tahay. Ninkan oo lagu weeraray mindi ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha gurmadku ay la gaareen cisbitaal aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay. Booliska London ayaan wali shaaca ka qaadin magaca qofka la dilay ee Soomaaliga...

PUNTLAND oo ka digtay roobab iyo dabaylo ku wajahan xeebaha gobolka Bari

Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan dabaylo iyo roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay 48 saac ee soo socda ku dhuftaan xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi Warqad ka soo baxday maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa loogu baaqay bulshada ku nool qaar ka mid ah Gobolka Bari inay ka fogaadaan deegaanada  Xeebta ku dhow, gaar...

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Al-Shabaab

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008. Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku qaaday Xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay. 2016 ayuu goostay in...

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay xalay la wareegeen xarunta maamulka ciidamo la magac baxay bad-baadada Hiiraan. Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 5-aad, qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Dalka, waxayna u abaabulan yihiin hab beeleed, iyada oo uu hoggaaminayo...

Akhriso: Heshiiska laga gaaray habraaca doorashooyinka dalka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka. War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah. –      Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada –      Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada –      Habraaca Xulista Ergada Doorashada –      Habraaca Amniga Doorashada –      Habraaca...

Somalia launches COVID-19 vaccination exercise for civil servants

Somalia on Saturday launched the COVID-19 vaccination exercise for its civil servants. Announcing this, Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Republic of Somalia, Abdiwahab Ugaas said, “I have today launched the vaccination program for COVID-19 for all government employees, as an effort to prevent the spread of the virus.” The vaccination program was implemented by the country’s Ministry of Health...

WARAR KALE

Masar oo Xoojisay Taageerada Midnimada Soomaaliya iyo Iskaashiga Labada Dal

Muqdisho – Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Shariif, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, si loo...

Somalia, Egypt Hold Aid Talks in Mogadishu

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s disaster management chief met Wednesday with a senior Egyptian official in Mogadishu to strengthen humanitarian cooperation.   The chairman of SoDMA, Mohamud...

Cirro oo La Kulmay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Iskaashi Amni oo Cusubna ka Wada Hadlay

Tel Aviv – Wasiirka Gaashaandhigga Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in muddo sannado ah ay ka sameynayeen hawlgallo taxane ah oo sir ahaa gudaha maamulka...