Israa’iil oo walaac xooggan ka muujisay heshiis ay wada galeen Mareykanka iyo Iran
Tehran/Washigton - Israa'iil ayaa muujisay walaac aad u weyn oo ku aaddan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu aqbalo heshiis xaddidan oo lala galo dalka Iran, kaas oo aan waxba ka badali barnaamijka Nukliyeerka ee Tehraan.
Sida uu Sabtidii sheegay wargeyska caanka ah ee Haaretz oo soo xiganaya ilo-wareedyo dhanka amniga eer Israa'iil ah, walaacan ayaa salka ku haya in...
Kiisaska Ebola ee Uganda oo gaadhay 5 qof Xayiraado cusub oo laga bilaabay xadka DR Congo
Kampala, Uganda — Xaaladda faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa gashay weji xasaasi ah, ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ay si rasmi ah u shaacisay inay xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka ah. Tallaabadan ayaa wadarta guud ee kiisaska rasmiga ah ee laga helay Uganda ka dhigaysa shan qof,...
Rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta Afrikaanka ah oo ku sii fidayá magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika
Pretoria - Waxaa dib u soo cusboonaaday, isla markaana si xowli ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika uga sii fidayá dibadbaxyo iyo rabshado loogu soo horjeedo dadka ajaanibta ah ee qaaradda Afrika ka soo jeeda. Kacdoonkan oo ay horkacayaan kooxaha u ololeeya ka-hortagga soo-galootiga ayaa saameeyay amniga iyo ganacsiga magaalooyinka halbawlaha u ah dalkaas sida Johannesburg, Pretoria, Durban,...
Mas’uuliyiin uu horkacayo Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo Gargaar ka Daah-furay Diinsoor
Diinsoor - Wafdi uu hoggaaminayay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehlinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Mas’uuliyiinta...
Wasiir Xasan Eelaay oo gaaray Qansaxdheere kana hadlay amniga Koonfur Galbeed
Bay - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, ayaa maanta gaaray degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Intii uu wafdigu joogay degmada, Wasiirka iyo xubnaha la socday waxay kulamo miro dhal ah la yeesheen maamulka degmada, saraakiisha ciidamada ammaanka, odayaasha dhaqanka iyo...
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo ka qeyb galay gabagabada Shirkii Madrid ee La-dagaallanka Argagixisada Afrika
Madrid – Spain: Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirkii caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain.
Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka...
Somali police chief, human rights commission discuss cooperation on rights protection
MOGADISHU, Somalia - Somali Police Force Commander Brigadier General Asad Osman Abdullahi on Saturday held talks in Mogadishu with the chairperson of the country’s Independent National Human Rights Commission, Maryam Qasim, on strengthening cooperation in the protection of human rights.
A statement said the meeting focused on enhancing collaboration between the police and the commission, particularly on the protection of...
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka
Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun, Agaasimaha Guud Mustafe Axmed, iyo xubno kale oo ka tirsan komishinka guddiga.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu...
Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Magacawday Koonfur Afrika Oo Lagu Soo Dhaweeyay
Pretoria – Safiirka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Adam Issak, ayaa si rasmi ah u gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Soo dhaweynta safiirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta, Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Koonfur Afrika, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda oo ah Kusimaha Safiirka, iyo masuul ka...
Hogaamiyaha KMG Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo degmada Diinsoor.
Diinsoor - Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta safar shaqo ku gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Safarkan shaqo ayaa daaranaa u kuurgelidda xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada, iyo mashaariicda horumarineed ee...











