Howlgal ka dhacay duleedka Baydhabo oo lagu dilay Ku dhawaad 50 xubnood ooka tirsanaa Al-Shabaab
Baydhabo — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo sida la sheegay ay kooxo hubeysan kusoo qaadeen ciidamo ku howlanaa sugidda amniga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo isugu jiray dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab iyo...
Saraakiishii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo oo aas qaran loogu sameeyay magaaladaasi
Baydhabo — Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay saraakiishii ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay deegaankaasi.
Munaasabadda aas-qaran ayaa waxaa...
Midowga Yurub oo rajo ka muujiyay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya
Muqdisho — Iyadoo ay wali socdaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka, ayaa Midowga Yurub rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kulamadaasi.
Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesco Di Mauro, ayaa qoraal ay ku daabacay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad siyaasadeed oo cusub,...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay Taalada SYL munaasabadda 15-ka May awgeed
Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taalada SYL si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka iyo dhismaha dowladnimada...
Somalia Government-Opposition Talks End in Deadlock Over Elections
MOGADISHU, May 15, 2026 — Talks between Somalia’s federal government and opposition leaders ended in failure on Friday after the two sides failed to reach agreement on the country’s electoral process, sources familiar with the discussions said.
According to the sources at the meetings in Mogadishu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud insisted that his administration would proceed with plans for...
Somali President Marks SYL Anniversary, Urges Youth to Defend National Unity
MOGADISHU, May 15, 2026 — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Friday attended ceremonies marking the 83rd anniversary of the founding of the Somali Youth League (SYL), the nationalist movement credited with spearheading Somalia’s struggle for independence.
The commemorations, held in Mogadishu on Somalia’s Youth Day, included a wreath-laying ceremony at the SYL monument to honor the role played by...
EU Envoy Expresses Hope Despite Collapse of Somalia Political Talks
MOGADISHU, May 15, 2026 — The European Union expressed optimism on Friday over ongoing political dialogue in Somalia despite the collapse of talks between the federal government and opposition leaders over the country’s electoral framework and broader political disputes.
Francesco Di Mauro, the EU ambassador to Somalia, said in a post on X that the Horn of Africa nation was...
Mucaaradka oo dib u dhigaya bannaanbixii loo qorsheeyay 16-ka May
Muqdisho — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka Soomaaliya ay goordhow shaacin doonaan dib u dhigista bannaanbixii loo qorsheeyay 16-ka bishan May, si fursad loo siiyo wada-hadallada siyaasadeed ee u socda iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saacadaha soo socda la filayo inay soo saaraan war-saxaafadeed rasmi ah oo...
Ciidamada AUSSOM oo kulan dhiirrigelin iyo bilado guddoonsiin ah ku yeeshay Muqdisho
Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka iyo adeegga ay bixiyeen ciidamada Battle...
WARBIXIN: Muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku eg, iyadoo wadahadallo siyaasadeed ay socdaan
Muqdisho — Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u dhammaanaya muddo xileedka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka loo doortay isla maanta sanadkii 2022.
Xilliga uu dhammaanayo muddo xileedka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali aan heshiis rasmi ah laga gaarin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, waxaana taagan khilaaf siyaasadeed oo...











