Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Jamhuuriyadda Türkiye u qaabilsanaa Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Danjiraha muddadii uu Soomaaliya ka shaqeynayay iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Türkiye ay tahay dal walaal iyo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay garab istaagga iyo taageerada ay Dowladda iyo shacabka Türkiye u muujiyeen Soomaaliya xilliyadii adkaa iyo dadaallada socda ee dib-u-dhiska, amniga iyo horumarka dalka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Safiirka u rajeeyay guul iyo horumar, isagoo muujiyay rajada ah in xiriirka iyo iskaashiga labada dal uu sii xoogeysan doono.




