Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Mudane Ismail Ould Cheikh Ahmed.
Wasiirka ayaa Xoghayaha Guud ugu hambalyeeyay xilka cusub ee uu la wareegay, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Xoghayaha Guud ee OIC ayaa sidoo kale mar kale caddeeyay taageerada Ururka ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




