NISA oo shaacisay dilka horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab
Muqdisho - Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay liiska horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay howl-gallo ay fuliyeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka 10-kii bilood ee la soo dhaafay.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, laguna burburinayo hoggaankeeda sare...
Qaramada Midoobay oo ku baaqday wada hadal xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed
Muqdisho - Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in wada hadal lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay...
Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojiyay iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha buluugga
Muqdisho - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah xoojinta iskaashiga Khayraadka Badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.
Heshiiskan oo ku saleysan is-afgaradkii ay gaareen Madaxweynayaasha labada dal Mudane Xasan Sheekh...
UN mission urges dialogue amid tensions between Somalia federal government and South West state
MOGADISHU — The United Nations mission in Somalia said it was closely monitoring the situation in the country’s South West state and urged dialogue to resolve growing political tensions between the federal government and regional authorities.
United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said disputes between Federal Government of Somalia and federal member states should be settled through talks rather...
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay doorashadda maamulka Koonfur Galbeed
MUQDISHO - Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas oo dhab ahaan fal sharci-darro ah iyo is-magacaabid hore loo sii qorsheeyey, kana hor imaanaya dhamaan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, xeerarka doorashada iyo dastuurka dalka, isla markaana aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.
Waxa si cad u...
Somalia Condemns ‘Illegal Self-Election’ in Baidoa
MOGADISHU — Somalia’s federal government on Saturday strongly condemned what it described as an “illegal self-election” held in the southwestern city of Baidoa, saying the process violated national agreements, electoral laws and the constitution.
In a statement, the government said the vote was “a pre-planned act of self-appointment” that did not reflect the will of the people of the South...
Soomaaliya oo Hirgelinaysa Nidaam Casri ah oo Lagu Diiwaangalinayo gaadiidka Bada
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kuwaas oo ka siiyay warbixin ku saabsan horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinaca gaadiidka badda.
Warbixinta oo ay soo jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo khubaro ka tirsan wasaaradda ayaa...
Shariif Sheekh Axmed oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Koonfur Galbeed
Muqdisho - Madaxweynihii hore ee dowladda kumeelgaarka ah ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa hambalyo u diray hoggaanka dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cali Siciid Faqi. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay xubnaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur...
Madaxweynihii Hore oo Laftagareen Ugu Hambalyeeyey Dib udoorashadiisa
Muqdisho - Madaxweynihii hore ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Farmaajo ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ay horyaallaan waajibaadyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dardar-gelinta dib u heshiisiinta bulshada, dhammaystirka xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha...
Laftagareen oo Mar Kale Loo Doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Baydhabo - Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa mar kale loo doortay hoggaanka dowlad-goboleedkaasi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 66 cod, taasoo u sahashay inuu sii hayo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka, iyadoo la filayo in maamulka cusub uu sii wado howlaha la...










